Daawo Sawirada :Juventus oo soo caga dhigatay Fiinaalka UEFA Champions League iyo xiliga uu dhici doono !!

0
27

Kooxda Juventus oo ka socota horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A ayaa waxa ay noqotay naadigii ugu horeeyay oo si toos ah u soo gaara Fiinaalka koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League .
Juventus oo 2-1 ku garaacday naadiga reer France ee As Monaco ayaa isku dar waxeey ku soo baxday 4-1 taas Fiinaalka koobkaan la ciyaari doonta 3-da bisha Juun kooxaha Real Madrid ama Atletico Madrid oo kulanka caawa isku dhagan .

Labada gool ee Juventus ku badisay waxa u kala saxiixay laacibiinta kala ah weeraryahanka Qaranka Croatia Mario Mandzukic (daqiiqadii 33-aad) iyo xiddiga reer Brazil Dani Alves (daqiiqadii 44-aad) . Juventus ayaa xili ciyaareedkaan aad u adag dhanka difaaca , qadka dhexe iyo Weerarka . Kulanka Fiinaalka koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League ayaa waxa ka dhici doonaa magaalada Cardiff ee caasimada Wales





 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdi shakuur Cabduqaadir Cali

Radio hiranweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here