{DAAWO SAWIRADA} Libaaxyo ka baxsaday beerta Kruger National Park & dadka degaanka oo digniino la siiyey

0
24

Booliska iyo ilaalada beeraha xaywaanka ee dalka Koonfur Afrika ayaa baadigoobaya shan libaax oo ka baxsatay beerta xayawaanka ee Kruger National Park.

Arrintan ayaa dhalisay cabsi laga qabo weerarro ay u gaytaan dadka iyo xoolaha ku dhaqan degaanada u dhow beertaasi, mana cadda sida ay libaaxyadaasi u baxsadeen.

Booliisku waxay dadka ugu baaqeen inay feejignaadaan gaar ahaan dadka ka agdhaw xuduudda dalka ay deriska yihiin ee Mozambique oo beertaas ay ku taallo.

Afhayeen booliiska u hadlay ah ayaa ugu baaqay bulshada degaanka iney iska ilaaliyaan libaaxyada baxsadka ah.

“Libaaxyadii baxsaday wali lama qabanin taasina khatar ayay u keenaysaa dadka maadaama ay dadku jidkaas u adeegsadaan si joogto ah. Xataa dadka gawaarida saaran ee isku daya in ay xaajo gutaan halis badan ayaa soo wajihi karta “ayuu yiri Leonard Hlathi oo ah afhayeenka Booliska.

Dadka ku dhaqan degaanada ku wareegsan beertan ayaa bilaabay iney guryahooda ku ekaadaan, iyagoo baneeyey suuqyada iyo meelaha lagu kulmo cabsi laga qabo weeraro ay soo qaadaan libaaxyadan baxsadka ah.







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here