{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Puntland oo sii deysay 11 Dhalinyaro ah “

0
26

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga ka sii deysay 11 Dhalinayaro ah, kuwaasi oo ku eedeysnaa Shabaabnimo, sida ay shaaciyeen masuuliyiinta Maamulkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland C/fataax Xaaji Aadan ayaa sheegay raggan maanta ay Maxkamadda sii deysay in lagu waayay wax dambi ah, maanta wixii ka dambeeyana ay yihiin dad xur ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa waqtiyo kala duwan u fariisatay Eedeymaha loo heystay Dhalinyaradan, ugu dambeyn maanta ayaa la sii daayay.

Puntland ayaa horey dilal ugu fulisay Dhalinyaro ay ku eedeysay Shabaabnimo, kuwa kalena xabsi Ciidan ayay ku xukuntay, Hay’adaha Caalamiga ayaa dhowaan Puntland ugu baaqay in ay yareyso Dhalinyarada ay ku fulineyso dilalka Toogashada ah.

 

1-12-13-2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here