{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha dalka Zimbabwe Oo La ogaaday Sababta Uu Shirarka Ugu Dhax Hurdo

0
29

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Roberto Mugabi ayaa marar badan sawiro iyo muuqaalo laga soo qaaday isaga oo ku dhax hurdaya shirar heer caalami ah iyo kulamo uu ka qeyb galayay, waxaana arintaasi uu kala kulmay Madaxweynaha dhaleeceyn xoogan.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Dowladad Zimbabwe oo fasiraad ka bixinayay sababta uu Madaxweynaha shirarka ugu dhax hurdo ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan ku hurdoon shirarka, laakin Xikmad jirta aawadeed uu indhaha isku qabsado si ay u nastaan indhihiisa.

Wargeeyska lagu magacaabo The Herald ayaa kas oo xigtay Afhayeenka u hadlay Madaxweynaha dalka Zimbabwe oo lagu magacaabo George Shamba in madaxweyne Roberto Mugabi uusan awoodin iftiinka ku dhacaya indhihiisa ,sidaasina uu isugu qabsado xiliyada qaar.

Madaxweyne Mugabi oo da’da 93 sanno jiro ayaa dhowr jeer munaasabado lagu arkay isaga oo la’ moodayo in uu hurdayo taas oo shaki galisay gudashada waajibaadka Madaxweyne ee dalkiisa, waxaana Madaxweynaha marar badan loogu baaqay in uu xilka isaga dego nasiinana uu qaato maadaama uu da’ yahay.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here