{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Emmanuel Macron oo maanta xilka loo dhaariyay

0
28

Madaxweynaha cusub ee Dalka Faransiiska Emmanuel Macron , ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha dalkaasi kadib guushii weyneed uu doorashadii dalkaasi ka dhacday ka gaaray isbuucii hore.

Munaasabada lagu dhaarinayay Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska waxaa ku sugnaa masuuliyiin kala duwan uu ku jiray Madaxweynihii hore ee dalkaasi ee xilka baneenaya Francois Hollande iyo madax kale .

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa balan qaaday in uu la imaan doono isbadal muuqda marka uu xilka si rasmi ah ula wareego, waxa uuna tilmaamay in uu wax ka qaban doono siyaadada iyo dhaqaalaha dalkaasi .

Munaasabada dhaarinta Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska ayaa ka dhacday qasriga madaxtooyada ee Elysee Palace ee magaalada Paris, amaanka ayaana si weyn loo adkeeyay intii ay socotay munaasabada dhaarinta.








LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here