{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo oo Arin Muhiim ah ka codsaday Beesha Caalamka si looga adkaado Al Shabaab

0
27

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay waxa uu ka jeediyay shirka looga hadlayo arimaha Soomaaliya ee ka furmay magaalada London.

Khudbada uu Farmaajo ka jeediyay shirka London ayuu kusoo hadal qaaday qorshaha amniga Qaranka, waxa uuna tilmaamay in qorshahan uu yahay mid xoojinaya tayo badana siinaya ciidamada qalabka sida ee Somaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya u baahan yihiin in dhinacyo badan laga taageero sida qalabeynta iyo helitaanka hub casri ah si ay uga adkaadaan dagaalyahanada Al Shabaab ee wali mamaula qeybo badan oo Soomaaliya kamid ah.

Waxa uu ka codsaday Madaxweyne Farmaajo Beesha Caalamka iyo xubnaha kale ee shirka ka qeyb galaya in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran si loo ciribtiro loogana adkaado kooxda Al Shabaab.

Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada dowlada iyo kuwa Al Shabaab mudo sanado ah ay ku dagaalamyaan hub isku tayo ah sida qorayga AK-47, waxa uuna xusay in laga maarmaan tahay in hub casri ah ay helaan ciidamada qalabka sida si ay uga adkaadaan Al Shabaab una soo afjaraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya sanadkii 2013-kii laga qaaday qeyb kamid ah cunaqabateynta hubka, waxa uuna mar kale ku celiyay in laga qaado Cunaqabateynta dhinaca hubka ah si Ciidamada u helaan hub casri ah ugana adkaadana argagaxisada sida uu tilmaamay.

Waxa uu balan qaaday Madaxweynaha Soomaaliya inay ka shaqeyn doonaan sidii loo maareyn lahaa hubka hadii laga qaado cunaqabateynta, waxa uuna ka codsaday dowladaha saaxibada la ah Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka ay ka wada shaqeeyaan qorshe dhameystiran cunaqabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Khudbada uu ka jeediyay shirka London kaga hadlay arimo kale oo muhiim ah , waxa uuna ku dheeraaday ka sheekeynta halka ee Soomaaliya joogtay sanado kahor iyo halka ay maanta joogto iyo rajada wali sii muuqata.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here