{DAAWO SAWIRADA} Maxaa iska beddelay amarkii dowladda hoose ee Parkinnada Baaburta Waddada la dhigo?

0
33

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay Amar ku bixiyay in Gaadiidka Raaxada ee la dhigo Waddada hareerteeda la mamnuucay islamarkaana waxka qabashada arrintaas loo saaray Ciidamada ilaalada Waddooyinka ee AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre Cali (Gaab),ayaa sheegay in Ciidankooda ay qab qaban doonaan Gaadiidka sharci darrada ah ee la dhigo meelaha Waddada hareerteeda ah.

Arrintan waxaa ay ka dambeysay kaddib markii Dorraad Gaari la dhigay Waddada dhinaceeda oo ay ka buuxeen walxaha Qarxa uu ku qarxay ka soo horjeedka Shaleemadii hore ee Soomaaliya.

Qaraax waxaa ku dhintay dad gaaraya 7 Qof oo shacab iyo Saraakiil Ciidan isugu jiray,waxaana kaddib soo baxay amarka lagu mamnuucay Gaadiidka la dhigo hareeraha Waddada.

Cali Gaab,waxaa uu sheegay in ay  xareyn doonaan Gaadiidka Ganacsatada iyo mas’uuliyiinta kale ee la dhigo Hareeraha Waddada Maka Al-Mukarrama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here