{DAAWO SAWIRADA} Nin 25 sano ku shaqeysanayey sixirka & agabkii uu wax ku sixrayey oo laga soo qabtay Magaalada Boosaaso

0
55

Ciidanka Booliska maamulka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ka soo qabtay nin muddo 25 sanno ku shaqaysanayay sixirka iyo nin kale oo kaaliye u ahaa, kaasoo magaaladda yimid sanadkii 1992dii.

Taliyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed ayaa sheegay in labada nin ay ka soo qabteen guri ku yaal mid ka mid ah xaafadaha magaaladda.

Booliska ayaa soo bandhigay allaabo kala duwan oo uu sheegay inay u adeegsan jireen sixirka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Lafo Ari, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool, buskud iyo waxyaabo kale oo la isku tidcay.

“Raggan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadaama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota, waxaan uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday, dad badan ayeyna waxaan ku dhibaateeyeen’’ ayuu yiri taliyaha.

Ninkan saaxirka ah oo lagu magacaabayo Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano, wuxuu sheegay inuu 25-sano rooxaan iyo mingis soo dajinayay, isagoo adeegsanaya Lafo Ari, Caws iyo allaabo kale.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here