{DAAWO SAWIRADA} Nin cadaaan Maxkamad ka qirtay inuu labo Soomaali ah ku dilay Minnessotta

0
26

Nin cadaaan oo u dhashay dalka lana yiraahdo Anthony Jurry ayaa qirtay inuu ka dambeeyey dilka laba Soomaali ah oo u socday masaajid si ay u soo cibaadeystaan.

Anthony oo 26 jir ah degna Minnessotta ayaa maalintii Khamiistii maxkamad ka qirtay dilalkaas, horayna waxaa loogu heystay sagaal kiis oo kale, taasoo ay ka mid tahay dilka qof heer Jaamacadeed ah.
Dilka labada Soomaalida ee iminka loo heysto Mr Anthony ayaa ka dhacay Dinkytown oo u dhow Jaamacada Minnesotta 29-kii Juun sanadkii 2016.

Haweeney magceeda la yiraahdo Sawina oo saaxiib la aheyd labada Soomaalida ayaa Maxkadamada ka sheegtay inay arkeysay markii xabadaha lagu furayey waxayna intaa ku dartay in si arxandaro ah Anthony uu falkaasi u geystay.

Ninkaan ayaa kiisas kale loo heystay, waxaana aad loogu tirayaa dadka cunsurinamadu ku fogaatay ee islaam naceb, waxaana Maxkamada laga sugayaa iney xukun kama dambeys ku rido dhowaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here