{DAAWO SAWIRADA} Qaar ka mid ah gabdhihii u afduubnaa Boko Haram oo war yaab leh soo diray

0
19

Kooxda Boko Haram ayaa baahisay muuqaal laga soo duubay afar gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii laga afduubtay iskuulka Chibok oo diiday inay kooxda ka tagaan, iyadoo sii deyntooda ay qeyb ka aheyd heshiis ay kooxdaas la galeen dowladda Nigeria.

Videoga ayaa muujinaya afar gabdhood oo xiran xijaab madow, oo mid ka mid ah ay hadlayso iyadoo gacanta ku hayso qori.

Waxa ay ku dhawaaqaysaa in ay daacad u tahay Boko Xaram waxayna leedahay waxaan diiday inaan ku laabto guriga waalidkey sabatoo ah waxaay diideen bay tiri inay diinta Islaamka qaataan.

Todobaadkii la soo dhaafay 82 gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii la afduubtay ayaa la sii daayay kaddib markii la haystay muddo saddex sano ah.

Afhayeen xilligaas u hadlay dowladda Nigeria ayaa xaqiijiyay in dhowr gabdhood ay diideen inay ka soo tagaan Boko Xaram.

Gabdhahan waxa ay ka mid ahaayeen in ka badan 200 oo gabdho iskuulay ah oo 2014 laga afduubtay magaalada Chibok ee waqooyi bari Nigeria.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here