{DAAWO SAWIRADA} Sida Madaxweyne Farmaajo Logu So Dhaweyay Dagmada Afgooye Iyo Odayaasha Degaanka Oo Si gaar ah Ula kulmay

0
38

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaaladda Afgooye ayaa kulan aan caadi aheyn la yeeshay odayaasha dhaqanka degmadaas.

Kulankaas oo markii hore saxaafada loo diiday ayaa waxaa ay odayaashu madaxweyne Farmaajo ugu gudbiyeen cabasho aad ubadan.

Odayaasha Afgooye ayaa madaxweyne Farmaajo usheegay in mar walba ay balan qaadyo ka helaan madaxda dowladda laakiin aan waxba loo fulin.

“Madaxweynaha waxaan usheegay dhamaan waxii aan baahi qabnay”ayuu yiri mid kamid ah odayaashii la kulmay Mudane Farmaajo.

Arimaha sida weyn ay uga hadleen madaxweyne Farmaajo iyo odayaasha ayaa waxaa kamid ah sidii looga qeyb qaadan lahaa ugar gaarida dadka deegaanada Afgooye oo abaaro xoogan ay haystaan.

Arinta kale ee muhiimka ah ee laga hadlay waxaa ay aheyd sidii AlShabaab looga saari lahaa deegaanada ku dhow Afgooye iyadoo tilmaamay in mar walba weeraro lagu soo qaado degmadaas dad shacab ahna lagu dilo

Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono dhamaan cabashooyinka ay usoo gudbiyeen odayaasha waxaana uu yiri “Cabashada waan dhagaystay, wax badan ayaana ka qaban doonaa”.

Maxamed Cadullahi Farmaajo oo kulanka odayaasha uu ku wehliyay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa haatan booqanaya qeybo kale oo degmadaas katirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here