{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Socdaalka UK iyo Agaasimaha Guud ee HSJ oo kulan yeeshay

0
19
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maalmahan ku sugnaa UK ayaa kulan la qaatey wasiirka Socdaalka dalka UK, waxaana laga wadahadley Baasaboorka Soomaaliya iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo dhexmara labada dhinac.

Wasiirka socdaalka UK ayaa sheegey in ay sii wadi doonaan isla markaana xoojin doonaan xariirka dhinaca socdaalka ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, iyo weliba hanaanka socda ee aqoonsiga loogu raadinayo Baasaboorka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud iyo wifdiga uu hogaamanayey ayaa booqdey xarunta laga bixiyo Baasaboorka UK iyo weliba xarunta hubinta Dukumentiyada UK.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa la kulmey khubarada gacanta ku heysa Baasaboorka Soomaaliya isaga oo ka qaatey warbixin ku saabsan hanaanka aqoonsiga loogu raadinayo Baasaboorka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here