DEG-DEG: Sarkaal ka Tirsan ciidanka Madaxtooyadda oo Xabsiga la Dhigay

0
30

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu magacaabo Cabdishakuur Mursal Maxamed, oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa lagu eedeyay in uu gaari nooca ciidamada ah uu jiirsiiyay Marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane, waxaana dhinaca kale uu dhaawacay Haweeney.

Shilka lagu dilay Marxuum Tahliil laguna dhaawacay Haweeneyda waxaa uu ka dhacay Al-baabka hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya Taariikhdu markay ahayd 24/04/2017.

“Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa soo gaartay cabasho ka timid ehelada Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, intaasi kadibna, waxaa la bibaabay baaritaan waxaana lasoo xiray sarkaalkii dhacdadaasi lagu eedeyay oo ahaa darawalkii dhibka geystay”, sidaasi waxaa yiri Gudoonka  Maxkamadda Ciidanka Gaashanle Sare Xasan Cali Shuute.

24-kii bishii April, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyadda ku qaabilay ehelada Marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane, oo Madaxtooyadda horteeda uu ku jiray mid ka mid ah gadiid galbinayay Madaxweyne Farmaajo.

Cabdi Jimcaale Hubbane, oo la dhashay Marxuumka dhintay ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, sida uu u ixtiraamay qoyska dhibanaha ah.

Allaha ha u naxariistee Marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane ayaa waxaa uu ka tirsanaa shaqaallaha Wasaaradda Wafaafinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here