{DHAGEYSO} Axmed Madoobe oo Si Kulul Uga hadlay Shirka London Kuna Dhaliilay Besha Caalamka ,,,

0
31

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Beesha Caalamka laga doonaayo in ay si deg deg ah u bixiso dhaqaalihii ay ugu tala gashay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Shirka Berri ka furmaya Magaalada London ay Beesha Caalamka ka codsan doonaan in ay bixiyaan lacagihii ay ugu yabooheen Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa xusay in Beesha Caalamka ay doonayso in ay Soomaaliya maaweeliso.

Shirka Berri ka furmaya Magaalada London ayaa lagu waddaa in Soomaaliya loogu yabooho lacago badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here