{DHAGEYSO} Darawalka Jen Gaafow oo qirtay dilka Agaasimihii Maxkamadda sare,

0
27

Darawalka General Gaafow, Taliyihii hore ee Nabad Suggida Somaliya, ayaa qirtay inuu ka dambeeyay fal dil ahaa oo loo gaystay Agaasimihii Maamulka Maxkamada Sare ee dalka oo 9-kii Bishan lagu dilay Magaalada Muqdisho.

 
Faarax Cali Nuur oo ah ninka dilka gaystay ayaa Warbaahinta ka soo hor muuqday, isaga oo qiraal ah, wuxuuna sheegay inuu isaga dilay Marxuum Mursal Cumar Cismaan.

 

Wuxuu sheegay dilka inuusan u dhicin si kas ah, balse kama’ ay uga dhacday, isaga oo ka dalbaday dowladda Somaliya iyo eheladda Marxuumka in laga cafiyo dilkaasi.

 
“Dilkaasi anigaa gaystay, ninkana nin iga dheer ma aheyn nin walaalkeey ah ayuu ahaa oo guri aan isla daganahay,

 

wixii qadarta haddii dhici rabtana cid kaa celin karta malahan, waxaan ka codsanayaa dowladda Somaliya iyo ehelkiisa inay I cafiyaan, nin kale iyo aniga ayaa muranay, ninkii kale intaan u socday ayaa isaga ka soo soke maray,

 

 

xabadihiina isaga ayeey ku dhaceen.” Ayuu yiri Faarax Cali Nuur. Ciidamada Booliska oo gacanta ku haayo ninka dilka gaystay, ayaa sheegay inay maxkamada ciidamada u gudbinayaan kiiska si sharciga loo waafajiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here