{DHAGEYSO} Gaas oo rajo wanaagsan ka muujiyay Shirka London

0
42

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Shirka 11-ka Bishaan ka furmaya Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingariiska.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in shirkaan uu ka duwan yahay Shirarkii hore ee ay Soomaaliya  tagi jirtay ,islamarkaana Sanadkaan rajadu tahay in ay hirgalaan qodobada kasoo baxa Shirka London.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in qodobada sida weyn diirada loo saari doono ay ka mid yihiin qorshaha dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale xusay in shirka Soomaaliya ay la tageyso sidii dhaqaalaha dalka sare looga qaadi lahaa.

11-ka Bishaan ayaa lagu waddaa Magaalada London ee dalka Ingariiska in lagu qabto Shir Caalami ah oo ay kasoo qeyb galayaan dalalka Daneeya Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here