{DHAGEYSO} Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo baaq u diray Wasaaradda dastuurka

0
31

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ay wadatashiyadda ku aadan dib u eegista dastuurka Qaranka in laga doonaayo in ay gaarsiiso gobolada dalka Soomaaliya.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in muhiim tahay in dadka kunool gobolada dalka Soomaaliya in ay talo ku yeeshaan dastuurka dalka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Wasaaradda dastuurka laga doonaayo in ay ka shaqeyso sidii wax ka badal loogu sameyn lahaa dastuurka Qaranka.

Qaar ka mid ah dadka kunool gobolada dalka Soomaaliya ayaa inta badan dowladda Soomaaliya ku eedeeya in wadatashiga ay kusoo koobto Muqdisho.

Wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo dib u eegis loogu sameynaayo dastuurka Qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here