{DHAGEYSO} Masar oo Dowlada Soomaaliya ku wareejisay Dawo iyo Raashiin

0
41

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaartay diyaarad ay soo dirtya Dowladda Masar taas oo wadda gargaar loogu talagalay in lagu caawiyo abaarta ka jirta Soomaaliya.

Diyaaradda oo soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,ayaa waxaa ay waddaa gargaar ka kooban Raashin iyo Dawo  loogu talagalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameynta taban ku yeelatay.

Dowladda Masar waxaa ay ka mid tahay Waddamada Jaamacadda Carbta ee shirkii Jaamacadda Carabta ee dhawaan ka dhacay Dalka Jordan ka ballanq aaday in Kaalmo loo fidiyo Soomaaliya.

Waddamaad kale ee Yaboohaas gargaarka ah sameeyay waxaa ka mid ahaa Sucuudiga,Qadar.Kuwait iyo Imaaraadka,waxaaana horay gargaar Soomaaliya u soo gaarsiiyay Waddamada Qadar iyo imaaraadka iyada oo kuwait iyo Sucuudiga ay wali dhimanyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,wasiirka Caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka ah ayaa Gargaarkaasi kala wareegay Dowladda Masar.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ayaa kala wareega Waddamada gargaarka u soo dira Soomaaliya,waxaana dhawaan la sameeyay xarunta isku xirka gargaarka ee Somaaliya oo ay sameysay wasaaradda gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka.

Xaruntan ayey ujeedadeedu tahay in la mideeyo howlaha gargaarka ee Soomaaliya islamarkaana ay hal meel ka wada baxaan Gargaarka loo fidinayo Shacabka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo Wasaaradda Gurmadka ee ay Wasiirka ka tahay Drs Maryan Qaasim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here