{DHAGEYSO} Qaabka Ay U wadashaqeyaan Labada Aqal Ee Dowlada Soomaaliya

0
25

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari sheegay in wada shaqeyn Fiican ay ka dhaxeyso Xildhibaanada Aqalka Sare iyo sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay Markii la dhisaayay Aqalka Sare in laga cabsanaayay wada shaqeynta dhexmarikarta labada Gole, laakiin hadda cid walba ay shaqadooda qabsato.

Waxaana uu intaa ku daray in guddiyadda  golaha Aqalka sare  kan golaha shacabka lagu balamay in bishiiba mar ay kulmaan taana ay tahay xal barlamaan oo laba aqal ka kooban islamarkana hal meel uga soo wada jeeda  danaha dalka iyo sharci dajinta.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa horay u sheegay in ay jiri doonaan khilaafaad soo gala dhex gali doona xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here