{DHAGEYSO} Shacabka Magaalada Muqdisho oo ka hadlay go’aanadii golaha Wasiirada

0
17

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay golaha Wasiirada Soomaaliya ee la Xiriiray amniga Magaalada Muqdisho.

Go’aanada ka soo baxay golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah in la Xakameeyo Hubka iyo Askarta faraha badan oo ay wataan Masuuliyiinta Dowlada.

Sidoo kale in la sameeyo Ciidamo gaar ah oo suga amaanka guud ee Muqdisho, sidoo kalena leh hal Talis oo ay ka amar qaataan.

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa go’aanadaasi soo dhaweeyay, waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in hubka faraha badan laga yareeyo Masuuliyiinta Dowladda.

Sidoo kale waxa ay Ra’isal Wasaaraha ugu baaqeen in Shacabka iyo dadka aqoonyahanada ah laga qeyb geliyo qorshaha lagu sugayo amniga Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here