{DHAGEYSO} Somaliland oo Faah Faahin Ka bixisay Sababta Ay U Joojiyeen Shirka Jaamacadaha Ka socday Magalada Burco

0
13

Maamulka Somaliland ayaa wakiillada 11 Jaamacadood oo laga leeyahay Koofurta Soomaaliya ka ceyriyay Shir ay Jaamacada Soomaalida ku lahaayeen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 
Kulanka Jaamacada Soomaalida oo ka furmay burco ayaa waxaa mar kaliya soo galay booliska Somaliland waxaa ay ka saareen wakiillada Jaamacadaha ka socday Koofurta Soomaaliya.

 
Wasiirka Waxbarashada Somaliland C/llahi Ibraahim Habbane ayaa sheegay in sababta ay Jaamacadahaas u ceyriyeen ay tahay kaddib markii ay soo korodhay Cadaawadda ay u hayaan Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

 
Waxaa uu sheegay in markii la doortay farmaajo kaddib ay billaabeen Soomaalida koofurta Cadaawad ka dhan ah Somaliland,waxaana uu tilmaamay in Baskii Burco ka qaaday uu ku socdo Hargeysa islamarkaan dib loogu celinayo halkii ay ka baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here