{DHAGEYSO} Wasiirka Haweenka Hirshabeelle oo ka hadashay haweeney lagu dilay Mahaddaay

0
25

Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Maamulka Hirshabeelle Sacdiyo Maxamed Burrus ayaa sheegtay in xalay Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe lagu dilay Haweeney ka mid ahayd dadka degaanka.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Sacdiyo Maxamed Maxamuud ayaa waxaa ay Wasiiraddu sheegtay in Rag hubeysan ay gurigeeda ugu galeen islamarkaana ku dhufteen shan Xabadood.

Waxaa ay sheegtay in Haweeneyda oo ganacsato ahayd loo dilay Askari qabay dartiis iyo sidoo kale in ay Askarta wax ka iibin jirtay.

Wasiirad Sacdiya waxaa ay sheegtay in Haweeneydaas ay dileen Al-shabaab,islamarkaana Gurigeeda ay ugu galeen xalay halkaas oo ay ku toogteen.

Dowladda dhexe iyo maamulka ay ka tirsantahay ee Hirshabeelle ayey ka dalbatay in wax laga qabto Amniga degaannada maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here