{DHAGEYSO} Waxaa Lagu dhawaaqay Guddiga Amniga gobolka Banaadir Kadib Amaandaro Baahsan Oo Muqdisho Hareysay

0
32

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa soo saaray Wareegto uu ku Magacaabay Guddiga Amniga Gobolka Banaadir.

Guddigaan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana Xubin ka ah Saraakiisha Sare ee Booliiska iyo Nabad sugidda Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sugidda amniga guud ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta u aqriyay Magacaabista Guddiga Amniga Gobolka Banaadir.

Howlaha Guddigaan ay qabanayaan ayaa waxaa ka mid ah ka shaqeynta sugidda amaanka guud ee Gobolka iyo in ay masuul ka yihiin howlaha aaanka Gobolka.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Guddiga ay masuul ka yihiin Arrin walbo oo la xiriirta amaanka Caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here