Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Magalada Garbahaarey

0
38

Diyaaradaha dagaalka miletariga kenya ayaa duqeeyay Deegaan lagu magacaabo Kabis oo hoos yimaado Degmada Garbahaareyee Gobalka Gado waxaana la sheegay in duqeyntu ku dhacday Saldhig ay daganaayeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan miletariga Soomaaliya oo ku sugan Gobalka Gado ayaa Xaqiijiyay in ay la duqeeyay Saldhig ay daganaayeen Dagaalamayaal iyo Saraakiil ka tirsan Al-shabaab waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Saldhigga la duqeeyay ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Saney oo ka tirsanaa Saraakiisha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here