Dowlada Somalia oo heegan buuxa galisay ciidamada Amaanka Muqdisho (Warbixin xasaasi ah)

0
24

Dowlada Federaalka ee Somalia ayaa heegan buuxa galisay ciidamada Amaanka ka dib markii uu amar ka soo baxay madaxda sare ee dalka.

Mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka ayaa heegan galiyay ciidamada Amaanka, iyad oo la fulinayo amar ka soo baxay  xarunta Madxatooyada.

Ciidamada amaanka ayaa la geeyay inta badan isgoysyada magaalada Mogdisho, halka gaadiidka ciidanka la dhigay goobaha aadka u mashquulka badan oo ay ku badan yihiin dadka.

Ciidamada qaar ayaa la dhigay waddooyinka gala  xaafadaha & kuwa ka soo baxa, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in ciidamadaasi lagu sii diyaarinaayo waddooyinka ka hor inta aysan dhalan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Hay`adaha Amaanka ayaa sidoo kale la sheegay inay ka war heleen in Al-Shabaab ay damacsan`yihiin weeraro ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay ka geystaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan Goobaha ay ku badan yihiin shacabka iyo madaxda dowlada, Al-Shabaab ayaa xiliyada ay bisha barakeysan ee Ramadaan weeraro culus ka geysta Muqdisho.

Dowlada Federaalka Somalia ayaa horay u sheegtay inay ka hortageyso amni darada ka jirta Magaalada sida xaaladaha qatarta ah & Qaraxayada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here