Dowlada Soomaaliya oo wada qorshe aysan ku farxi doonin maamul goboleedyada ka jira dalka

0
18

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo gabagabeysay qorshe maamul-goboleedyada dalka ka hor joogsanaya inay heshiisyo la galaan hay’ado caalami ah.

Waxaa hadalkan kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho Jamaal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha.

Waxaa uu sheegay in wasaaradiisu ay haatan diyaarisay qorshe ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ugala wareegayso Midowga Yurub iyo ururada deeqaha bixiya gargaarka Soomaaliya loogu talagalay, kaasoo meesha ka saari doono in maamul goboleedyadda ay heshiis la galaan dowladdo iyo heyaddo shisheeye, iyagoo aan ogolaansho ka heysanin.

“Maamulkii bixinta Mashaariicda waxaa uu ku soo wareegay Wasaaradda qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ma jiri doono Maamul gaar ah oo heshiis la gala Dowladdo Shisheeye, qeybta ay xaqa u leeyihiin Maamul goboleedyada waa la siin doonaa dowlada dhexe ayeyna kala soo xiriirayaan”, ayuu yiri wasiir Jamaal.

Waxaa uu xusay in qorshahan uusan aheyn in lagu cuno-qabateynayo maamul goboleedyada balse uu yahay mid lagu ilaalinayo kala dambeynta iyo hanaanka dowladnimada, isla markaana meesha looga saarayo isbarbar yaaca iyo nidaam darada.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyadda dalka oo isku arka ineyba ka awood badan yihiin dowlada dhexe ayaa had iyo jeer heshiisyo aysan ka warqabin dowlada dhexe la gala dowlado iyo heyaddo shisheeye, lamana oga sida ay go’aankan u soo dhoweyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here