Faah faahin Dagaal ka dhacay J/Hoose

0
42

Weerar khasaare geystay ayaa Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya waxaa uu ku qabsaday Degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada hoose, kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay wadada u galeen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo lagu magacaabo Cabdi C/laahi Maxamed oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay weerarka in uu ahaa mid gaadmo ah, maadaama Ciidamada ay ku mashquulsanayeen Gaari jidka dhexdiisa kaga ciladoobay.

Waxa uu sheegay in ay beeninayaan in Gaari looga gubay Dagaalkaasi, balse waxa uu tilmaamay in weerarkan ay kaga dhaawacmeen Labo Askari oo ka kala tirsan Ciidanka Soomaalida iyo kuwa AMISOM.

Shabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya, kadib markii ciidanka ay ka carareen Baabuurtii ay wateen.

Xoogaga Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah waxa ay la eegtaan Gaadiidka Ciidamada Kenya ee ku socdaala deganada u dhaxeeya xuduuda labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here