Faah faahin dheraad ah Duqeyn ka dhacday Gedo

0
20

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in Duqeyn ka dhacday Degaan ku dhow Garbahaarey lagu dilay Dagaalyahano  ka tirsan Shabaab, oo watay Labo Gaadiid oo nuuca Dagaalka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Duqeyn lala beegsaday Gaadiid ay wateen Shabaab, oo mid ka mid ah uu saarnaa Qori kuwa Lidka Diyaaradaha ah.

Waxa uu sheegay in 17 Dagaalyahano oo saraakiil ay ku jiraan kana tirsan Shabaab lagu dilay, wuxuuna xusay Duqeynta in ay fuliyeen Dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya.

Diyaaradaha Dagaalka dalka Kenya ayaa loo maleynayaa in Duqeyntan ay geysteen, balse si rasmi ah looma cadeyn karo warkan.

Warkan uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Gedo kuma aanu xaqiijin saraakiisha la dilay magacyadooda, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo faah faahin ay kaga bixinayaan Duqeyntan xalay ka dhacday Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here