Faah faahino Dheeraad ah  Oo kasoo baxaysa Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo

0
27

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu galabta ka dhacay agagaarka Xerada Koongo ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay nin jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ninkan la sheegay in ay ka shakiyeen ciidamo ku sugna halka uu qaraxu ka dhacay sidaasna isku qarxiyay.

Sargaal katirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ka shakiyeen ninka qarax isku soo xiray, waxa uuna tilmaamay sargaalkan in uu is qarxiyay kadib markii ciidamada isku dayeen in ay qabtaan.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo mid kamid ah gabar yar ay tahay ayaa ku dhintay qaraxan, waxaa sidoo kale jira khasaaro dhimasho oo qaraxan ka dhashay, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee soo garaya ciidankii ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Magaalada Kismaayo waxaa horey uga dhacay qaraxyo ismiidaamin ah ay fuliyeen xubno katirsan Al Shabaab , qaraxyadan qaarkood ayaan khasaaro xoogan waxa uu kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka ay ka dhaceen.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here