Faahfaahin Dheraad Ah Oo Ka sobaxeyso Qoys Xalay Miino kula qaraxday Tuulada Buuco Ee Dagmada Halgan Ee Gobolka Hiiraan

1
23

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Booco oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, Wiil yar oo 11-sano jiro ayaa ku geeriyooday, halka dhaawac uu soo gaaray Hooyada dhashay Wiilkaasi iyo wiil kale, kadib markii miino la qaraxday.

Miinada ayaa la sheegay in Wiilka yar ee dhintay uu ka soo qaaday meel ka fog gurigooda, kadibna uu keenay hoygooda, isaga oo gar garaacay.

Markii Wiilkaasi yar uu gar garaacay miinada, ayaa waxa ay sababtay inay qaraxdo, waxaana durba halkaasi ku dhintay wiilkii yaraa, halka dhaawac ay noqdeen laba ruux oo kala ah Wiilka dhintay mid la dhashay iyo Hooyada caruurtaasi.

Dhaawaca Hooyada iyo Wiilka kale, ayaa loola cararay Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, iyadoo dhaawaca hooyadda soo gaaray uu yahay mid liita.

Qaar ka mid ah ehelada reerka dhibaatada soo gaartay ayaa sheegay inay suuragal tahay dhaawaca hooyada in maanta loo soo qaado Magaalada Muqdisho, si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

Dhulka miyiga fog ah inta badan, waxaa ka buuxa miinooyin horay loogu aasay, iyadoo caruurta yar yar aysan aqoon u laheyn, kadibna ay gar garaacaan taasi oo ugu dambeyn sababta inay la qaraxdo.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here