Fannaada Sahro Mire oo ku geeriyootay dalka Uganda

0
38

Fanaanada Sahro Mire Wehliye oo ka mid aheyd Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay dalka Uganda sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

Sahro Mire Wehliye ayaa xilligii Siyaad Barre waxaa ay ka mid ahaan jirtay Fanaaniinta Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay  ku jirtay Isbitaal ku yaalla dalka Uganda , halkaasoo shalay ugu dambeyntii ay ku geeriyootay.

Waxaa lagu xasuustaa in ay aheyd qof wadaniyadda ay ku weyn tahay , islamarkaana xilliyaddii burburka dalka aan ka bixin.

Waxaa ay qaaday Sahro Mire Wehliye Alle ha unaxariistee heeso u badan wadani loogana hadlaayay xaaladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here