Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Maanta ku Dhawaaqay in Ciidan gaar ah Muqdisho loo dhisayo

0
25

Kulan Maanta ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiiradda Soomaaliya islamarkaana uu Shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Xasan Cali Kheyrre ayaa ayaa looga hadlay Arrimo Dhowr ah.

Golaha wasiiradda ayaa isku raacay in Magaalada Muqdisho loo sameyn doono Ciidan gaar ah oo Xaqiijiya Ammaanka Magaalada islamarkaana isugu jira Boolis,Nabad Sugid iyo Milatari oo leh Hal Talis.

Ciidankaas ayaa la sheegay in lagu diyaarin doono Mudo 60 Cisho Gudahood ah.

Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa Amar ku bixiyay in Mas’uuliyiinta Dowladda aysan wadan karin wax kabadan Afar Illaalo ah Qorshahaasna uu qeyb ka yahay Xasilinta Amniga Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here