Guddoomiyaha cusub ee Degmada Balcad oo xilkii la wareegay

0
22

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maanta xilkii degmadaas kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee uu dhawaan soo magacaabay  Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.

Munaasibadda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socda Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Gobolka Shabeellaha dhexe waxaana ay goobjoog ka ahaayeen madashii ay xilka ku kala wareegayeen Guddoomiyaha cusub ee degmadaas iyo Guddoomiyihii hore.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Balcad Cismaan Maxamed Xaadoole oo horay xilkan u soo qabtay ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa uu xilkan u magacaabay 8ddii Bishan,waxaana uu maanta kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Degmadaas Maxamuud Maxamed Saney oo mar ka biya diiday in uu xilka wareejiyo.

Guddoomiyaha cusub ayaa madasha ka ballan qaaday in uu waxka qaban doono baahiyaha ay qabaan dadka deggan magaalada Balcad islamarkaana uu dadka degaanka u noqonayo qof dhex dhexaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here