Gudoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba

0
42

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiye cusub u magacaabay degmada Buurhakaba oo ka mid ah degmooyinka gobolka Baay.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka Koofur Galbeed Soomaliya C/raxamaan ibraahim Adan ayaa Gudoomiyaha cusub degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay u magacaabay Maxamed Ibraahim Nuur.

Gudoomiyihii hore ee degmada Buurhakaba ayaa dhaawac kasoo gaaray Qarax lagula eegtay degmadaasi Muqdisho ugu geeriyooday.

Muddo bilooyin ah aysan Gudoomiye laheyd Degmada Buurhakaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here