Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug oo geeriyooday

0
45

Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Mudug waxaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenkii Arimaha Bulshada gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Ruush, waxaana uu ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano gobolka Mudug.

“Eng. Col. Maxamed Cabdi Cali (Ruush) Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Mudug, ayaa caawa  ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla degmada Gaalkacyo Marxuunka oo muddo xanuun sanayey ayaa  ALLE owfsadey, Waxaan ALLE uga baryeynaa in uu geeyo Janatul firdowsul aclaa.Dhamaan haddaan nahay Maamulka iyo Shacbiga ku dhaqan gobolka Mudug, waxaa tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, eheladii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed geerida ku timid masuulka u soo shaqeeyay qaranka Somaaliyeed” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Mudug mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu waddaa in maanta lagu Aaso Marxuum Maxamed Cali Ruush.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here