Hanti-Dhowrkii Guud ee Qaranka Oo Sheegay In uu Maxkamad Geyn Doono Madaxweynaha Iyo Ra iisulwasaraha

0
22

Hanti-Dhowrkii Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay inuu ku howlan yahay u gudbinta Maxkamadda Sare ee dalka dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Nuur Faarax ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kherye inay si sharci darro ah u jabsadeen xafiiskiisa, islamarkaana lagala baxay documentiyo, qaarkood liddi ku ahaa Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Isaga oo ku tilmaamay inay ku xadgudbeen sharciga iyo nidaamka dowladnimada.

“Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyadda oo ku shaqeeynaya amarka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskeyga jabsaday oo la baxay documents-yo, iyo agab kale oo qaas, waana tallaabo madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ugu xadgudbeen sharciga iyo nidaamka dowliga ah”ayuuu yiri Nuur Faarax oo u warramayey jowhar.com.

Sidoo kale Nuur Faarax ayaa sheegay in saacadaha soo aadan dacwad u gudbin doono Maxakamadda Sare ee dalka

“Waxaan ku howlalnahay u gudbinta Maxkamadda Sare ee dalka dacwad ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare oo ku takrifalay sharciga iyo awooddii dalka. Sida la wada og-yahay waxay jabsadeen xafiiskeyga cabsi ay ka qabaan documents-yadda ay la baxeen dartood, Haddii EEBBE yiraah, saacadaha soo aadan dacwada waan u gudbin doonaa Maxakamadda Sare”ayuu yiri Nuur Faarax.

Mar Jowhar.com weydiisay cida qaadeysa masuuliyadda dilkii Wasiir Cabaas marka laga yimaado askariga xabadka ku dhiftay ayaa waxuu yiri ” Sidaan horay u sheegay aad iyo aad ayaan uga xumahay dilka Walaalkeey Wasiir Cabaas Allaah Jannadii Fardowsa haka waraabiyo, mida kale askariga xabadda ku dhuftay waa sax ilaaladeyda ayuu ka mid ahaa, oo dhammaan ciidamada i ilaaliyana , dowladda ayaa ii soo xushay si ay ammaankeyga u ilaaliyaan oo Ciidamadda Qalabka sida ayey ka mid yihiin. Aniga shibil baan ahay oo in ciidamada la barro aqlaaq iyo dhowrista shacabka iyo madaxda waxaa laga rabaa oo waajibkooda yahay hoggaanka ciidamada ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha oo ah taliyaha ciidamadda marka ciidda ciidamada ay ka amar qaataan oo taliyaha u ah ayaa masuuliyadda dilka la wadaagaya askariga” ayuu yiri

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Golaha Wasiirada ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Nuur Faarax , xilkii Hanti-Dhorwka Guud, maalin kadibna Madaxeynaha ayaa wareegto ku soo saaray xilka qaadista, taasoo aheyd xeer Madaxweyne uu ku aqbalay xil ka qaadistii Golaha Wasiirada, hase ahaatee waa uu ku gacan seyray xil ka qaadistaas, isagoo ku tilmaamay in loo maray sifo aan sharci aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here