Haweeney baaritaan ku sameysay dil gabadheeda loo geestay oo iyana la toogtay

0
40

Haweeney u dhalatay dalka Maxico oo lagu magacaabo Miriam Rodriguez Martinez ayaa la toogtay kadib markii baaritaano ay ku sameysay kooxo burcad ah oo dil iyo afduub u geestay gabar ay dhashay.

Miriam Rodriguez Martinez ayaa hogaamineysay baaritaano ay sameenayeen 600 oo qoys oo eheladooda la waayay meel ee jaan iyo cirib dhigeen halka qaarkoodna la dilay, waxaana dilalkaasi iyo afdubka ka dambeeya kooxaha daroogada ka ganacsada.

Haweeneydan oo aheed ganacsato ayaa lagu dilay gurigeeda oo kuyaala magaalada San Fernando oo ku dhaw xadka dalka Mareykanka, kooxihii dilka haweeneydan ka dambeeyay ayaana la sheegay in ay ka baxsadeen gacanta laamaha amaanka.
Miriam Rodriguez ayaa la sheegay in ay si fiican u daba gashay baaritaano adagna ku sameysay dil iyo afduub loo geestay gabadheeda, waxaana falkan lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda daroogada ka ganacsata ee Zetas.

Xog ay haweeneydan siisay ciidamada booliiska ayaa horseeday in la xiro xubno katirsan kooxda gaangistarada ee Zetas, waxaana la tuhmayaa in falkan dilka ah ay fuliyeen xubno kooxdan katirsan, xubno ku dhaw haweeneyda la dilay ayaana sheegay in booliiska ka codsatay in ay ilaaliyaan balse dhagaha laga fureestay.

Dalka Maxico waxaa ka dhaca dilal iyo afduub ay inta badan geestaan kooxo gaangistaro ah oo dalkaasi ka jira, kooxahan ayaana la sheegaa in ay yihiin kuwa ka ganacsada dhaqaalo badana ka sameeya daroogada iyo afduubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here