Hay’adaha Garsoorka oo Loogu Baaqay In Ay Joojiyaan Faragilinta Adeega Garsoorka

0
24

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xubnaha Hay’addaha Garsoorka iyo Qareenada ugu baaqay in ay ka fogaadaan Musuq Maasuq.

Waxa uu sheegay in lagu eedeeyo Xubnahaasi in ay qaataan laaluush iyo sidoo kale in aysan si Cadaalad ah ugu adeegin Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in Xubno ka tirsan Hay’addaha Garsoorka ay laaluush qaataan, kana gudbaan sharciyada  Hay’addaha Garsoorka.

Waxa uu tilmaamay in wasaarada Cadaalada ay ku dadaaleyso sidii Shacabka Soomaaliyeed si siman loogu adeegi lahaa, waxa uuna shacaka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay Wasaarada la shaqeeyaan.

Shalay ayay ahayd Markii Magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu hadlaayay Hormarinta Adeega Garsoorka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here