Kenya oo xaqiijisay in waxyeelo ay kasoo gaartay Weerar ka dhacay Gedo

0
17

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in ay jirto waxyeelo ciidamada dowladda Kenya kasoo gaartay Weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Taraka oo u dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Weerar kusoo qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda Kenya ee duleedka Baardheere inkastoo uu sheegay in ay iska difaaceen.

Waxaa uu sheegay waxyeelo aan badneyd in ay soo gaartay Ciidamada Kenya oo dhaawac u badan.

Josep mot ayaa tilmaamay in Ciidamada dowladda Kenya ay horay uga war qabeen Weerarka Al-Shabaab.

“Waxaa jira waxyeelo soo gaartay Ciidamada dowladda Kenya , una badan dhaawac” ayuu yiri Josep Mot.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Weerar xooggan ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda Kenya ee ku yaalla duleedka degmada Baardheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here