Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay Gantaal Culus oo nuuca ballistic-ga ah

0
30

Dowlada Kuuriada Waqooyi ayaa mar kale tijaabisay gantaal nuuca ballistic-ga ah, waxaana gantaalkan la tijaabiyay laga riday gobol u dhaw xeebta galbeed ee dalkaasi.

Saraakiil katirsan Kuuriyada Koonfureed ayaa laga soo xigtay in dowlada Waqooyiga Kuuriya tijaabisay gantaalkan oo ah nuuca ridada dheer sida ay baahisay Wakaalada Wararka Yonhao.

Kuuriyada Waqooyi ayaa wali ku mashquulsan tijaabinta gantaalada nuuca xambaari kara hubka nukliyeerka, waxaana horey ugu fashilantay tijaabinta dhoor gantaal oo kale.

Tijaabooyin is xig xigay oo dowlada Kuuriuyada Waqooyi ku sameysay Gantaalada ridada dheer ayaa keenay xiisad gobolka ka dhalata, waxaana sii xoogeestay xiisada u dhaxeeysa Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dardar gelisay barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaha sannadihii u dambeeyey in kasta oo ay soo food saartay cambaarayn caalami ah iyo cuna qabatayn Qaramada midoobay ku soo rogtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here