Maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed oo maanta ku beegan

0
26

Iyadoo ay maanta ku asteysantahay 15-ka May maalinta dhalinyarada Soomaliyeed kuna beegan Aas aaskii Ururkii dhaliyarada gobanimo doonka ee SYL ayaa lagu wadaa in Munaasabado lagu weyneynaayo lagu qabto Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

15-ka May waa maalin aad ugu qiimo badan Bulshada Soomaaliyeed Sanadkasto markii la gaaro Maanta oo kale waxaa dalka gudahiisa iyo dibaddiisa lagu qabtaa Munaasabado lagu Xusaayo maalinta dhalinyarada soomaaliyed iyo Dhalinyaradii SYL.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa la filayaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku qabtaan munaasabdo lagu xusayo 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Aas aaska ururkii gobonima doonka ee SYL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here