Maamulka Hirshabeelle oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan u furayaan Dekeda Ceel Macaan

0
25

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u howl gelinayaan Dekeda Ceel Macaan iyo garoonka diyaaradaha Cisaley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in maamulkooda uu wado qorshayaal lagu howl gelinayo ilaha dhaqaale ee gobolka.

Waxaa uu sheegay in wax gor gortan ah aanay ka geli doonin furitaanka garoonka cisaley iyo Dekeda Ceel Macaan.

“Maamulka Hirshabeelle waxaa uu dhowaan howl gelin doonaa Dekeda Ceel Macaan oo qorshahooda meel wanaagsan marayo iyo garoonka Cisaley”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

 

Xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ayaa sii xoogeysatay, kaddib markii dowladda Dhexe ay dhowaan soo saartay amar lagu mamnuucayo in diyaaradaha Qaadka ka degaan garoonka Jowhar.

Dad badan ayaa aaminsan in hadii dib loo howl geliyo Dekeda Ceel Macaan ay saameyn ku yeelaneyso habsami u socodka howlaha Dekeda weyn ee Muqdisho oo ka mid ah meelaha dhaqaalaha ka soo galo dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here