Maamulka Hirshabelle Oo Gudoomiye Cusub U Magacaabay degmada Balcad

0
23

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa loogu magacaabay Cismaan Maxamed Xaadoole guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Cismaan Xaadoole ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha degmada Balcad iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyaha degmada Balcad Maxamed Maxamuud Saney oo hayay xilkan illaa iyo sanadkii 2014.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Balcad ayaa hore u so noqday guddoomiyaha degmada Balcad waxaana xilka laga qaaday kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka degmada Balcad uu iskahorimaad ku dhex maray degmada Balcad ciidamo Boolis ah oo ku sii jeeday degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii degmada Balcad Maxamuud Maxamed Saney ayaan wax saameyn ah ku yeelan doonin guddoomiye ku xigeenada maamulka degmada Balcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here