Madaafiic sababtay Khasaaro dhimasho Iyo Dhaawac oo xalay ku dhacay duleedka Muqdisho

0
33

Ciidamada AMISOM ayaa xalay madaafiic ku garaacay deegaanka Arbacow oo ku dhow Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho, iyadoo madaafiicda ay sababtay dhimashada labo ruux.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay ka dambeysay, markii Al-Shabaab weerar madaafiic ku qaadeen saldhig AMISOM ku leeyihiin Arbacow.

AMISOM ayaa la sheegay inay ku jawaabeen madaafiic, kuwaasoo ku dhacay xaafado dad rayid degan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ay qal qal ku abuurtay dadka deegaanka, waxaana jira dhaawacyo ka dhashay oo loo soo qaaday isbitaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar ku qaada saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here