Madaxweynaha dalka Kenya oo ka qeyb-galaya shirka London Somali Conference

0
29

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb-galo shirka London Somali Conference ee 10-ka bishan ka furmaya magaalladda London.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxda iyo dowladdaha bariga Africa iyo marti kale oo lagu casuumay kullanka.

Afhayeenka State House-ka dalka Kenya Manoah Esipisu, ayaa sheegay in Uhuru uu ka hadli doono, xiriirka Somaliya iyo Kenya, dhibaatada Al Shabaab, abaaraha ka jira Gobolka iyo Qaxootiga Soomaalidda ee dalka Kenya ku nool.

Kenya waxaa ku yaalla xeryaha Qaxooti ee ugu weyn adduunka, waxaana ku jira Qaxooti badan oo Soomaali ah.

Hogaamiyaal kale oo African ah ayaa dhawaan shaacin doona in ay ka qeyb-gali doonaan shirka.

Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, Michel Keating, ayaa sheegay in shirka London Somali Conference uu muhiimad gaar ah u leeyahay isbedelka dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Keating ayaa sheegay inuu Shirka London muhiimad ballaran u yahay Xoojinta Iskaashiga Wada-shaqeynta ee Soomaaaliya iyo Beesha Caalamka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wafdi horudhac ah waxaa ay u dirtay magaalladda London ee dalka Britain, halkaas oo 10 bishan uu ka furmi doono Shirla London Somali conference.

Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa.:

1-      Xaqiijinta ammniga

2-      Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada

3-      Hormarinta dhaqaallaha

4-      Heshiisyo cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here