Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya

0
39

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle “ Xaaf” ayaa Magaalada Muqdisho Maanta kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya danjire Micheal Keating.

Mudane Xaaf ayaa kulan dheer la qaatay Wakiilka , waxaana uu kala hadlay sidii loo taageeri lahaa dowlad goboleedka Galmudug.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Magaalada Cadaado madaxweynaha Galmudug.

Qaramada Midoobey ayaa u balan qaaday Madaxweyne Xaaf in ay siin doonto taageero weyn oo ku aadan Horumarinta degaanada Galmudug.

Madaxweynaha cusub Galmudug  ayaa wadda dadaallo kala duwan oo ku aadan sidii uu taageero  uga heli lahaa Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here