Madaxweynaha Soomaaliya Oo la kulmay Xoghayaha Difaaca Mareykanka

0
23

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Xoghyaha Gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo dhismaha Ciidamada.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Mareykanka ee arrimaha ciidamada, qalabeynta, iyo sidii Al-Shababa looga saari lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo shalay khudbad ka jeediyay shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qorshaha Amniga Qaranka

Jim Mattis ayaa sheegay inay taageersan yihiin qorshaha amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya soo diyaarisay, waxaana uu tilmaamay inuu Mareykanka sii xoojinayo tababarka Ciidamada Soomaaliya.

Bishii hore ayay aheyd markii Mareykanka Ciidamo u diray Soomaaliya, kuwaasoo tababaro siinaya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Todobaadkii askari mareykan ah oo ka mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran lagu dilay howl gal ay ku taageerayeen Ciidamada Kumaandooska, kuwaasoo weerar ku qaaday saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here