Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya

0
35

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda ay ku dadaaleyso sidii loo dhisi lahaa Ciidamo qaran.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso Ciidamo Qaran oo ka shaqeeya difaaca Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu Mahad celiyay Ciidanka iyo Saraakiisha Amisom oo uu sheegay in door weyn ay ka qaateen Xasilinta Dalka iyo dagaalka ay Dowladda kula jirto Al Shabaab.

Waxa kale uu sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa degaanada ay hada ku sugan yihiin isla markaana laga shaqeyn doono sidii Al-Shabaab guud ahaan Dalka loogu saari lahaa.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay in uu ku dadaalayo sidii Dowladiisa ay u kasban lahayd Kalsoonida Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here