Tuesday, December 12th, 2017
Advertisements
Advertisements

Manchester United oo ku guuleysatay Koobka Europe League {DAAWO SAWIRADA}

Published on May 25, 2017 by   ·   No Comments

Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa ku guuleysatay Koobka Europe League, kaddib markii ay 2-0 uga badisay Kooxda Ajax ee ka dhisan dalka Holland.

Ciyaarta Finalka oo xalay ka dhacday garoonka Stockholm ee dalka Sweden ayaa Manchester waxay ugu suura gelisay inay ka mid noqoto kooxaha ka qeyb galaya Tartanka Champions League.

Goolasha ay ku badisay Manchester United ayaa waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahanada Paul Pogba iyo Henrikh Mkhitaryan, kuwaasoo goolasha kala dhaliyay labada qeyb ee ciyaarta.

Manchester ayaa noqotay kooxdii shanaad ee qaada koobka Europe League iyo Champions League, waxaa horay rikoorkan u dhigay kooxaha Juventus, Bayern Munich, Liverpool iyo Ajax.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

December, 12, 2017
Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Cayaar Mucjiso ah oo Galabta dhaxmartay Kooxaha Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland

December, 12, 2017
Kooxaha Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland ayaa Galabta ku soo bandhiggay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir  Stadium Cayaar u muuqaal ...