Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir oo kormeeray degmada Dayniile (Daawo Sawirro)

0
31

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir ee dhanka Siyaasadda iyo Amniga Mudane Saalax Shiikh Maxamed ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay degmada dayniile ee magaalada Muqdisho.

Mudane Saalax Shiikh Maxamed ayaa waxaa ku soo dhaweeyay degmada Gudoomiyaha dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad iyo maamulkiisa.

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir ayaa intii ku sugnaa degmada waxaa uu kormeeray xarunta maamulka degmada, xerada Barakacayasha, Isbitaalka Dayniile iyo Suuqyo ku yaalla degmadaas.

Guddoomiyaha dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo kormeerka wafdigan wehlinayey ayaa goob kasta oo ay tagaan warbixin ka siinayey sida ay tahay xaalada degmada.

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir ayaa amaanay xaaladaha nolosha iyo amaanka ee degmada dayniile, isagoo maamulka iyo shacabka degmada ku bogaadiyey sida isku duubnimada leh ee ay isaga kaashanaadaan sugida amaanka iyo nadaafada degmada.

Waxaa ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenku sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku dedaali doono sidii uu xoojin lahaa adeegyada bulshada ee ka jira degmada, kuwa dhimana shacabka degmada heli lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here